Arday kasta wuxuu leeyahay himilo ah inuu guul gaaro, balse guushaas mar walba laguma gaaro dadaal keliya ee sidoo kale waxay u baahan tahay hab ama system wax ku ool ah. Habka wax loo barto, Arday badan ayaa waqti badan ku bixiya inay wax bartaan, haddana waxay keenaan natiijo aad u liidata, halka qaar kalena waqti kooban ku gaaraan guul weyn.
Farqiga u dhexeeya labadaas waa nidaamka ama habka ay wax u bartaan, ee ma aha inta saacadood ee ay wax bartaan.
Maqaalkaan waxaan si faahfaahsan uga hadli doonnaa habka wax loo barto ama sida ugu wanaagsan ee ardaygu wax u baran karo si wax ku ool ah, u qorsheyn karo waqtigiisa, una gaari karo natiijooyin wanaagsan.
Habka Wax Loo Barto
Fahamka Habka Wax Loo Barto ee Wax Ku Oolka ah
Akhris ama dadaal badan micnaheedu ma aha inaad saacado badan buug dul fadhido. Balse waxay ka dhigan tahay inaad adeegsato farsamooyin kuu sahlaya inaad si wanaagsan u fahamto waxa aad baraneyso.
Ardayga si nidaamsan wax u barta wuxuu awoodaa inuu si fudud u fahmo casharrada, imtixaankana si kalsooni leh ugu galo.
Habka wax loo barto ee saxda ah hadii aad sida looga talagalay u raacdo wuxuu kaa caawinayaa:
Inaad yareyso walbahaarka
Inaad si fiican u fahanto casharrada
Inaad xasuusnaato macluumaadka muddo dheer
Inaad kalsooni ku gasho imtixaannada
Dejinta Yoolal Waxbarasho oo Cad
Mid ka mid ah tallaabooyinka ugu muhiimsan ee habka wax loo barto ee wax ku oolka ah waa inuu ardayga dejistaa yoolal cad. Haddii uusan ogeyn ardayga waxa uu rabo inuu gaaro, way ku adkaanaysaa ardayga inuu horumar sameeyo.
Ardaygu waa inuu isweydiiyo:
Waa maxay waxa aan doonayo inaan barto maanta?
Maxaan rabaa inaan fahmo toddobaadkan?
Maxaan rabaa inaan ku guuleysto dhammaadka semester-ka?
Yoolalka uu ardayga doonayo inuu xaqiijiyo waa inay noqdaan kuwo:
Cad oo la fahmi karo
La cabbiri karo
Waqti leh (tusaale: maanta, toddobaadkan, bishan)
Marka aad yool cad dejisato, maskaxdaadu waxay si toos ah diiradda u saareysaa waxa muhiimka ah ee ad qorsheysatay.
Samaynta Jadwal Waxbarasho
Qorsheyn la’aanta marka aad rabto inaad waxbarato waa sababta keenta jahwareer iyo waqti lumis. Inaad dajisato jadwal waxbarasho oo nidaamsan wuxuu kaa caawinayaa inaad si isku dheelitiran aad u barato wax walba.
Jadwalkaaga waxbarasho waa inuu noqdaa mid:
Tixgeliya waqtigaaga firaaqada
Qeexa saacadaha waxbarashada
Kala hormariyaa maaddooyinka adag
Ka tagaa waqti nasashada
Tusaale ahaan, halkii aad hal maaddo ku qaadan lahayd saacado badan, waxaa fiican inaad u kala qeybiso waqtiyo gaaban oo joogto ah. Tani waxay kor u qaadeysaa fahamka iyo xusuusta.
Doorashada Goob Waxbarasho oo Ku Habboon
Goobta aad wax ku baraneysa waxay saameyn weyn ku leedahay natiijadaada. Arday badan ayaa isku daya inay wax ku bartaan meel buuq badan, taas oo hoos u dhigta inay diiradda saaraan waxa ay baranayeen.
Meesha aad wax ku baraneyso waa inay tahay meel deggan, iftiinkeeda fiican yahay. Waa inaad ka fogaataa telefoon ama wax kaa carqaladeyn karo inaad si wanaagsan wax u barato, kuu diyaarsan yihiin buugaagtaada iyo qalabkaaga waxbarasho.
Haddii aad dooneyso inaad guriga ku barato , dooro hal meel oo aad mar walba wax ku barato, si maskaxdaadu ula qabsato jawigaas.
Isticmaalka Farsamooyinka Waxbarasho
Barashada wax ku oolka ah waxay ku xiran tahay active learning, taas oo ah inaad si firfircoon uga qeybqaadato waxbarashadaada.
Hababka active learning waxaa ka mid ah:
Qoraal sameynta (note-taking)
Inaad isweydiiso suaalo
Inaad ku celceliso casharrada
Inaad qof kale sii barto wixii aad baratay
Marka aad ku koobnaato akhris kaliya, xusuustaadu way xaddidnaaneysaa, balse marka aad ku celceliso oo aad qof kale u sharaxdo, fahamkaaga ayaa sii qoto dheeraanaya.
Qaadashada Note Wax ku ool ah
Note qaadashada waa xirfad muhiim ah oo arday kasta u baahan yahay. Qoraal wanaagsan oo aad qaadatay wuxuu kuu sahlayaa inaad dib u eegto casharradaada.
Qoraalka wax ku oolka ah ma aha in la qoro wax walba, waa in la qoro qodobada muhiimka ah, la isticmaalo erayo fudud, la habeeyaa (headings, bullet points) kadib qoraalkaaga dib u eeg waqtiyada firaaqada ah si aad u xasuusato waxa aad baratay.
Maareynta Waqtiga iyo Ka Fogaanshaha Dib-u-dhigista
Dib u dhigista (procrastination) waa cadowga 1aad ee ugu weyn ee ardayga. Arday badan ayaa og waxa ay rabaan inay sameeyaan, balse dib u dhigaya ilaa waqti dambe.
Si aad uga fogaato dib u dhigista:
U kala jajabi hawlahaaga qeybo yar yar
Bilow xitaa haddii aadan rabin
Ka fogow carqaladaha sida social media
Is abaalmari marka aad hawl dhameyso
Xusuusnow, wax yar oo aad si joogto ah u qabato ayaa ka fiican wax badan oo mar qura aad sameeyso.
Daryeelka Caafimaadka Jirka iyo Maskaxda
Maskax caafimaad leh waxay ku jirtaa oo laga helaayaa jir caafimaad qaba. Haddii aad daalan tahay ama walbahaarsan tahay, inaad si wanaagsan aad wax u barato way adkaaneysaa.
Ardaygu waa inuu:
Helo hurdo ku filan
Cuno cunto caafimaad leh
Sameeyo jimicsi fudud
Qaato nasasho marka aad u baahato
Nasashada ma aha waqti lumin, balse waa qeyb ka mid ah inad guul ka gaarto waxbarashadaada.
U Diyaargarowga Imtixaanada
Imtixaanka waa sheyga lagu cabbiro dadaalka ardayga. U diyaargarowga imtixaanka waa inuu bilaabmaa waqti hore, ee ma aha habeenka imtixaanka ka horeeya.
U diyaargarow wanaagsan ee imtixaan waxaa ka mid ah:
Dib u eegis joogto ah
Sameynta tijaabooyin
Fahamka casharrada, ma aha xafidid keliya
Maareynta walbahaarka
Kalsooni iyo diyaargarow wanaagsan waxay keenaan natiijo wanaagsan.
Noqo Mid Firfircoon
Ka arday ahaan, dhiirigelinta joogtada ah waa furaha guusha. Mararka qaar waxaa dhici karta daal ama niyad-jab, balse waa muhiim inaad xasuusato sababta aad wax u baranayso iyo yoolalka aad mustaqbalka hiigsanayso.
Samee jadwal waxbarasho oo adiga kuu fudud, nasasho ku dar, kuna abaalmari naftaada markaad horumar gaarto.
Sidoo kale, la xiriir arday kale ama macallimiin ku dhiirigeliya, maxaa yeelay taageerada iyo niyadda wanaagsan waxay kaa caawinayaan inaad sii waddo dadaalkaaga.

Gabagabadii
Habka wax loo barto ee wax ku oolka ah waa xirfad la baran karo, qof walbana wuu horumarin karaa xirfadaas. Marka aad dejisato yoolal cad cad, sameysato jadwal waxbarasho, doorato jawi ku habboon, kana fogaato dib u dhigista, waxaad si weyn u kordhin kartaa fursadahaaga guul.
Arday kasta oo doonaya inuu gaaro horumar waa inuu fahmaa in guushu aysan ku imaan nasiib, balse ay ku timaado qorshe, dadaal, iyo adkeysi.
Haddii aad hirgeliso talooyinka ku jira qoraalkan, waxaad arki doontaa isbeddel dhab ah oo ku yimaada waxbarashadaada iyo natiijooyinkaaga.
Meelaha kaa caawin karaa inaad si fican wax u baratid: https://quizlet.
Halkaan ka akhriso noocyada scholarship-ka: https://aqoonspace.com/waa-maxay-scholarships/
