Barashada Cyber security, Dunidan maanta wax kasta waxay u wareegeen habka dhijitaalka ah, amniga xogta waxa uu noqday mid muhiim u ah qof kasta, shirkad kasta, iyo dawlad kasta.
Maalin walba waxaan Mediaha ka maqalnaa weeraro lagu qaaday bangiyo, mareegaha dawladaha, ama dad shakhsiyaad ah oo laga xaday xogtooda gaarka ah. Taas waxay keentay in baahi aad u weyn loo qabo dad aqoon u leh ilaalinta nidaamyada kombuyuutarka.
Haddii aad tahay qof daneynaya tiknoolajiyada oo raba inuu dhisto xirfad mustaqbal iyo dakhli fiicanba leh, Barashada Cyber Security waa tallaabada ugu habboon ee aad qaadi karto.
Xirfaddani maahan oo kaliya barashada sida loo difaaco kombuyuutarka, balse waa fahamka qaabka ay u fikiraan weeraryahannada (hackers) iyo sidii looga hor tegi lahaa daldaloolada ay isticmaalaan.
Maqaalkan, waxaan ku falanqayn doonnaa Waa maxay Cyber Security, Saddexda Tiir ee Laga maarmaanka u ah Barashada Cyber Security, noocyada weerarada iyo fursadaha shaqo ee u heli karo qofka barto xirfada Cyber Securirty.
Waa Maxay Cyber Security
Cyber Security waa system iyo dhaqanka loogu talagalay in lagu ilaaliyo aaladaha elektaroonigga ah, shabakadaha (networks), iyo xogta, si looga badbaadiyo weerarada dhijitaalka ah, xatooyada, ama burburka.
Ujeeddada ugu weyn ee Cyber Security waa:
Ka hortagga: In la xiro daldaloolada ay hackers-ku soo mari karaan.
Ogaanshaha: In la aqoonsado haddii uu jiro isku day weerar oo socda.
Ka jawaabidda: In si degdeg ah loo xalliyo haddii uu dhaco weerar si loo yareeyo khasaaraha.
Sirta ka dambaysa Amniga: Saddexda Tiir ee Laga maarmaanka u ah Barashada Cyber Security
Markaad ku dhex milanto oo aad gudaha u gasho dunida Barashada Cyber Security, waxaad xaqiiqsaneysaa in shaqada khabiirka amnigu aysan ahayn kaliya “Hacking” ama difaac uu difaacayo daldaloolo, balse ay tahay ilaalinta dheellitirka saddex mabda’ oo caalami ah.
Maqaallada qaar waxay u yaqaannaan CIA Triad, laakiin aan si fudud ugu yeerno “Saddexda Tiir ee Amniga“.
Tiirka koowaad waa Sir-qarinta (Confidentiality). Bal ka fikir haddii sirtaada gaarka ah ama farriimaha aad qof u dirtay ay gacanta u geli lahaayeen dad aan loogu talagalay. Amnigu ma shaqaynayo haddii macluumaadka xasaasiga ah uu qof walba arki karo.
Barashada cyber security waxay ku baraysaa sida loo isticmaalo farsamooyinka lagu qariyo xogta (Encryption) si xitaa haddii xogta la xado, aan loo akhriyi karin iyadoo aan furaha loo hayn.
Tan labaad waa Sugnaanta Xogta (Integrity). Halkan su’aasha uu qofka isweydiinaya maahan “Yaa arkay xogta?”, balse waa “Xogtii ma sidii hore ee ay ahayd baa mise waxbaaa laga beddelay?”. Imagine haddii dhakhtar uu kuusoo diro warqad caafimaad oo ay ku qoran yihiin daawooyin, markaasi hacker uu dhexda ka beddelo nooca daawada laguu qoray.
Taas waa khatar nafeed! Sidaas darteed, xirfadlaha amnigu waa inuu hubiyaa in xogta, laga soo bilaabo markii lasoo diray illaa markii la helay, ay tahay mid sax ah oo aan wax faragelin ah lagu sameyn.
Tiirka u dambeeya ee dhammaystiraya nidaam kasta waa Helitaanka Adeegga (Availability). Amnigu qiimo ma laha haddii nidaamkii la difaacayay uusan shaqaynayn.
Haddii aad u baahato inaad lacag kala baxdo bangigaaga balse aad weydo adeeggii sababo la xiriira weerar dhacay, amnigaas waa mid fashilmay.
Khabiirka cyber security-ga wuxuu had iyo jeer ka shaqeeyaa in server-yada iyo adeegyadu ay had iyo jeer online ahaadaan, isagoo ka gaashaamanaya weerarada loogu talagalay in nidaamka lagu rido.
Isku soo wada duub, barashada cyber security waa barashada sidii loo ilaalin lahaa saddexdaas tiir. Haddii midkood dumo, macnaheedu waa amnigu wuu daxalaystay.
Shuruudaha iyo Aasaaska: Maxaa lagaa rabaa ka hor intaadan bilaabin?
Dad badan oo raba inay ku biiraan dunidan waxay u haystaan in Barashada Cyber Security ay tahay kaliya inaad barato dhowr software oo hackers-ku isticmaalaan, balse runtu taas waa ka duwan tahay.
Kahor intaadan baran sida nidaam loo difaaco ama loo jebiyo, waa inaad marka hore fahamtaa sida nidaamkaas u dhisan yahay. Ma difaaci kartid qalcad aadan aqoon meelaha ay ka daldaloolaan ama sida albaabadeedu u xirmaan.
Waxa ugu horreeya ee qof kasta oo bilaabaya laga doonayo waa inuu faham fiican ka haystaa waa Networking-ka (Isku-xirka shabakadaha). Waa inuu qofka yaqaannaa sida kombuyuutarada caalamka yaalla ay isula hadlaan, waa maxay IP Address? Sidee ayay xogtu uga soo baxdaa server-ka Google ee Mareykanka ugu soo dhacdaa moobilkaaga jooga Soomaaliya?
Haddii aadan aqoon u lahayn jidka ay xogtu marto, marna ma ogaan kartid halka ay khatartu ka imaan karto.
Tallaabada labaad ee muhiimka ahi ee barashada cyber security waa barashada nidaamyada ku shaqeeya kombuyuutarada, gaar ahaan Linux. In kasta oo Windows uu yahay midka aan guriga ku isticmaalno, haddana inta badan server-yada caalamka iyo qalabka amniga ee khubaradu isticmaalaan waxay ku dhisan yihiin Linux.
Barashada nidaamkan waxay ku siinaysaa awood aad kaga dhex shaqayso guntada hoose ee kombuyuutarka, halkaas oo aan laga heli karin “Mous-ka” caadiga ah ee aan isticmaalno.
Ugu dambayn, inkasta oo aadan u baahnayn inaad noqoto borogaraame (Programmer) heer sare ah, haddana inaad barato aasaaska luuqadaha sida Python ama SQL waa mid aan laga maarmaan ahayn.
Python waxay kuu fududeyneysaa inaad samaysato qalab adiga kuu gaar ah oo aad ku baarto daldaloolada amniga, halka SQL ay kaa caawinayso inaad fahamto sida xogta loo kaydiyo iyo sida looga difaaco weerarada lagu qaado database-yada.
Isku soo wada duub, barashada cyber security ma ahan maaddo gooni u taagan, ee waa natiijada ka dhalata aqoontaada dhinaca isgaarsiinta, nidaamyada shaqada (OS), iyo qoraalka code-ka.
Markaad aasaaskan barato, barashada inta kale waxay kuu noqonaysaa mid aad u fudud.
Noocyada Weerarada: Fahamka Khatarta kugu soo fool leh
Markaad gudaha u gasho Barashada Cyber Security, waxaad ogaanaysaa in weeraryahannadu aysan mar walba isticmaalin nidaamyo kakan oo kombuyuutar lagu jebiyo.
Inta badan, waxay beegsadaan meesha ugu nugul ee nidaam kasta, taas oo ah Bini-aadamka. Halkan waxaan ku eegaynaa saddexda hab ee ugu caansan ee maanta dunida looga geysto dambiyada internetka.
1. Khiyaanada “Phishing” (Kalluumaysiga Xogta)
Habkani waa habka ugu fudud uguna caansan. Qofka hacker-ka ahi wuxuu kuu soo dirayaa email ama farriin u muuqata inay ka timid meel rasmi ah, sida Bangigaaga, Facebook, ama shaqadaada.
Farriintaasi waxay kugu dhiirigelinaysaa inaad gujiso link, markaad gujisidna waxay ku weydiinaysaa inaad geliso password-kaaga. Isla marka aad geliso, xogtaadii waxay u wareegaysaa gacanta hacker-ka. Barashada cyber security waxay ku baraysaa sida loo aqoonsado farriimaha beenta ah iyo calaamadaha lagu garto “Phishing-ka”.
2. Afduubka Xogta: “Ransomware”
Ma sawiran kartaa adigoo subaxii hore hurdada kasoo kacay, ka dibna arkay kombuyuutarkaaga oo wada “Lock” ah, xogtaadii oo dhanna aan la furi karin?
Ransomware waa software xun oo loo soo diro shirkadaha ama shakhsiyaadka, kaas oo xogta oo dhan “Encrypt” ka dhiga (furaheeda qariya). Ka dib, waxay ku weydiinayaan lacag madax-furasho ah (badanaa Bitcoin) si xogtaada laguugu soo celiyo.
Khabiirka amnigu waa inuu yaqaannaa sida looga hortago in software-kan uu soo galo nidaamka iyo sida loo sameeyo kayd (Backup) ammaan ah.
3. Social Engineering: “Hacking-ka Dadka”
Weerarkani waa weerarka ugu halista badan sababtoo ah kuma xirna aqoon kombuyuutar. Waa marka qofka hacker-ka ahi uu isticmaalo xeelado cilmi-nafsiga ah si uu qofka uga dhaadhiciyo inuu bixiyo macluumaad sir ah.
Waxay noqon kartaa qof soo waca oo iska dhigaya farsamayaqaan (IT Support) ama qof ku saaxiibiya oo kaala soo baxa magaca hooyadaa ama taariikhda dhalashadaada si uu u qiyaaso password-kaaga.
Xusuus: Amnigu maahan oo kaliya in la xiro albaabada dhijitaalka ah, ee waa in la baro dadka isticmaalaya nidaamka inay noqdaan kuwo feejigan.
Fursadaha Shaqo: Halkee ayad ka shaqayn kartaa?
Markaad dhammaystirto barashada cyber security iyo tababarka, waxaad ogaanaysaa in cyber security aysan ahayn hal shaqo oo kaliya, balse ay tahay bad weyn oo leh takhasusaad kala duwan.
Shirkadaha ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo caalamkaba waxay had iyo jeer raadinayaan dad xirfaddan leh.
Noocyada Shaqooyinka ee ugu caansan:
Security Analyst (Falanqeeyaha Amniga): Kani waa qofka isha ku haya nidaamka shaqada ee shirkadda, isagoo raadinaya haddii ay jiraan dhaqdhaqaaqyo shaki leh ama weeraro isku dayaya inay soo galaan.
Penetration Tester (Ethical Hacker): Shaqadani waa mid aad u xiiso badan; shirkadda ayaa ku kireynaysa si aad u jebiso nidaamkooda. Hadafku waa inaad adigu horta ogaato daldaloolada inta aysan hackers-ka xun helin, ka dibna aad ka caawiso sidii loo xiri lahaa.
Incident Responder (Gurmadka Degdega ah): Haddii weerar uu dhaco, qofkani waa kan ugu horreeya ee goobta soo gaara.
Shaqadiisu waa inuu joojiyo weerarka, badbaadiyo xogta hartay, oo uu baaro sidii ay wax u dhaceen.
Cloud Security Specialist: Maadaama shirkadaha hadda xogtooda ku keydiyaan “Cloud” (sida Google Drive, AWS, ama Azure), waxaa jira baahi weyn oo loo qabo dad yaqaanna sida loo sugo amniga server-yada fog ee internetka ku jira.
Halkee laga helaa shaqooyinkan?
Ma jiro xafiis ama hay’ad maanta ka maaranta cyber security. Waxaad ka shaqayn kartaa:
Bangiyada: Si aad u ilaaliso lacagaha iyo xogta macaamiisha.
Shirkadaha Isgaarsiinta (Telecoms): Si aad u sugto amniga shabakadaha internetka iyo taleefannada.
Hay’adaha Dawladda: Ilaalinta sirta qaranka iyo xogta muwaadiniinta.
Freelancing (Shaqo Madax-bannaan): Waxaad internetka ka heli kartaa shirkado caalami ah oo kuu kireysanaya inaad u baarto daldaloolada amniga (Bug Bounty Programs).
Gunaanad:
Barashada cyber security maahan kaliya barashada kombuyuutarka, waa dhisidda mustaqbal lagu kalsoonaan karo. In kasta oo ay u baahan tahay dadaal iyo akhris joogto ah, haddana faa’iidada aad ka helayso—dhinaca mushaharka iyo maqaamka bulshada—waa mid aad u sarreysa.
Barashada cyber security maahan kaliya akhris. Waxaa jira mareegaha loogu talagalay in lagu tababarto sida:- TryHackMe ama Hack The Box
Halkan ka akhriso maqaal ku saabsan Sida loo doorto takhasuska jaamacadda:- https://aqoonspace.com/sida-loo-doorto-takhasuska-jaamacadda/
