Hagaha Deeqaha Waxbarasho ee Shiinaha 2026-2027: Shuruudaha, Gunnooyinka, iyo Habka Codsiga

Deeqaha waxbarasho ee shiinaha

Maqaaalkeena maanta waxaan kaga hadli doonaa deeqaha waxbarasho ee shiinaha 2026-2027.

Muuqaalka guud ee Tacliinta sare ee aduunka ayaa maanta maraya isbeddel weyn iyadoo dalka Shiinaha ay u soo baxday xarun muhiim u ah isdhaafsiga tacliinta, farsamada, iyo dhaqanka.

Isbeddelkan waxa base u ah qaab-dhismeed hormarsan oo deeqo waxbarasho ah, kaas oo loogu talagalay in lagu soo jiito hibooyinka, lagu adkeeyo cilaaqaadka diblamaasiyadeed, laguna soo bandhigo awoodaha waxbarasho ee Shiinaha heer caalami.

Sannad-dugsiyeedka 2026-2027, nidaamka deeqaha waxbarasho ee Shiinaha wuxuu gaaray heer cusub, kaas oo soo bandhiga imtixaanno jaangooy ah oo heer qaran ah sida China Scholastic Competency Assessment (CSCA) iyo ballaarinta barnaamijyada takhasuska leh sida “Silk Road” iyo Hindisaha MOFCOM.

Aasaaska Diblamaasiyadeed iyo Iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya

Bixinta deeqaha waxbarasho ee Shiinaha 2026 iyo wixii ka horeeyayba waxay si xeel dheer ugu xiran tahay qaabdhismeedka juquraafiyeed ee dalka, gaar ahaan istratiijiyadda hindisaha “Belt and Road” iyo Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC).

Cilaaqaadka dibloomaasiyeed ee ka dhexeeya Shiinaha iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa tusaale laf dhabar u ah diblamaasiyadda waxbarashada. Iyadoo labada dal ay leeyihiin 65 sano oo xiriir diblamaasiyadeed ah, iskaashiga istiraatiijiyadeed waxa uu mudnaanta siiyay horumarinta tirada shaqaalaha.

Mid ka mid ah tusaalooyinka ugu waaweyn ee cadeynaya xiriirka ka dhexeeyo Somalia iyo China waa Scholarshipka Saaxiibtinimada ee Shiinaha iyo Soomaaliya (China-Somalia Friendship Scholarship), taas oo lagu maalgeliyo ardayda dhibcaha sare ka keenta Jaamacadaha Somalia (SNU) si loo dhiso jiilka mustaqbalka, hoggaamiyeyaal caafimaad, saxaafadda, iyo maamulka.

Hay’adda gacanta ku haysa hannaankani waa Golaha Deeqaha Waxbarasho ee Shiinaha 2026 iyo wixii ka horeeyay (CSC), oo ah urur hoostaga Wasaaradda Waxbarashada oo mas’uul ka ah shaqaalaynta iyo maamulka joogtada ah ee aqoonyahannada caalamiga ah.

CSC (China Scholarship Council) waxay u shaqeysaa sida buunda u dhaxaysa ardayda iyo ku dhowaad 280 jaamacadood oo Shiinaha ku yaalla.

Kala-soocidda Noocyada Deeqaha Waxbarasho ee Shiinaha (CGS)

Deeqaha waxaa loo kala qeybiyaa saddex qaybood oo waaweyn oo kala ah Type A, Type B, iyo Type C, kuwaas oo door muhiim ah ka qaato habka loo codsado.

Deeqda Type A (Bilateral)

waxaa gacanta ku haaya safaaradaha Shiinaha ama guddiyada qaranka, waxayna bixisaa dhammaan heerarka kala duwan ee waxbarashada laga bilaabo Bachelor ilaa PhD, iyadoo loogu talagalay inay ka faaiideystaan ardayda codsiyadooda soo marta dawladdooda ama safaaradda.

Deeqda Type B (University)

Qeybtaan kamidka ah deeqaha waxbarasho ee shiinaha, waxaa toos gacanta ugu haaya oo u maamula jaamacadaha Shiinaha ee loo xilsaaray, waxayna inta badan diirada saartaa takhasusyada Master-ka iyo PhD-ga, iyadoo loo xulanaya ardayda dhibcaha sare leh ee tooska u codsada jaamacadda.

Type C (Specialized)

Waxaa haaya oo maamula ururada caalamiga ah sida UNESCO, EU, ama AUN, waxayna bixisaa barnaamijyo gaar ah oo inta badan loogu talagalay cilmi-baarayaasha ama kooxaha gaarka ah.

Barnaamijka Bilateral (Type A) waxaa uu ku dhisan yahay heshiisyo waxbarasho oo u dhaxeeya Shiinaha iyo dawladaha kale.

Soomaaliya dhexdeeda, barnaamijkani wuxuu inta badan maraa Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ama safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.

Caymiska Maaliyadeed iyo Heerarka Gunnooyinka

Deeqaha waxbarasho ee shiinaha ama ay bixiso dawladda Shiinaha (CGS) waa deeqo dhammaystiran (Full Scholarship), kuwaas oo meesha ka saaraya caqabadaha dhaqaale, waxaana mid kasta oo ka mid ah deeqahan uu bixiyaa lacagta waxbarashada, hoyga gudaha jaamacadda, caymiska caafimaadka, iyo gunno bil kasta ah. Gunnooyinka bisha ee la siiyo ardayda ayaa ku kala duwan hadba heerka tacliinta:

Ardayda heerka Bachelor (Undergrad) waxay helaan gunno ama lacag dhan 2,500 CNY bishii, taas oo sannadkii wadarta guud u dhiganta qiyaastii 30,000 CNY iyo kharashyada kale ee adeegga.

Ardayda heerka Master-ka waxaa la siiyaa 3,000 CNY bishii, taas oo u dhiganta qiyaastii 36,000 CNY sannadkii, halka kuwa heerka PhD (Doctorate) ay helaan 3,500 CNY bishii, oo u dhiganta qiyaastii 42,000 CNY sannadkii.

Sidoo kale, cilmi-baarayaasha waxaa la siiyaa lacag u dhexaysa 3,000 ilaa 3,500 CNY bishii muddada ay ku jiraan cilmi-baarista.

Shuruudaha iyo Prerequisites-ka Tacliinta

Si loo hormariyo tayada deeqaha waxbarasho ee shiinaha, CSC waxay xoogga saartaa shuruuda muhiim ah oo laga doonayo ardayga sida dhalashada, da’da ardayga, caafimaadka, iyo dhibcaha waxbarashadiisa.

Ardayga codsanaya deeqda waa inuu ahaado muwaaddin kasoo jeeda dal aan China ahayn, isla markaana uu leeyahay caafimaad jireed iyo mid maskaxeedba.

Shuruudaha da’da iyo shahaadooyinka ayaa u kala qaybsan sidatan: ardayda codsanaysa heerka Bachelor (Undergrad) waa inay da’dooda ka hooseyso 25 sano, waa in ay haystaan shahaado dugsi sare.

Kuwa doonaya inay xareystaan heerka Master-ka waxaa laga doonayaa inay da’dooda ka yar tahay 35 sano, isla markaana ay haystaan shahaadada Bachelor-ka.

Halka kuwa u tartamaya heerka PhD (Doctorate) looga baahan yahay inay ka yaraadaan 40 sano, iyagoo haysta shahaadada Master-ka.

Deeqaha waxbarasho ee shiinaha waxaa lagu bixiyaa barnaamijyo lagu dhigo luuqada Shiineeska ama Ingiriis. Ardayda raba barnaamijyada ku baxa afka Shiineeska, heerka Bachelor-ka badanaa waxaa laga rabaa HSK (Hanyu Shuiping Kaoshi) ama (Chinese Proficiency Test) Level 3, halka Master-ka iyo PhD-ga looga baahan yahay HSK Level 4 ama ka sareeya.

CSC waxay bixisaa hal ilaa laba sano oo koorso Shiinees ah (preparatory) kuwa dhibcaha waxbarashada sare leh balse luuqadda shiineeska aan garaneynin. Barnaamijyada Ingiriisiga ah waxaa shardi ah dhibcahaIELTS (6.0-6.5) ama TOEFL (80).

Gunaanad

Deeqaha waxbarasho ee Shiinaha waa fursad qaali ah oo ardayda qaarada Africa gaar ahaan ardayda Soomaaliyeed u furaysa albaabbada takhasusyada casriga ah. Sannadka 2026-2027, muhiimadda ugu weyn waa “Qorshayn Hore” iyo u diyaar-garowga imtixaanka CSCA.

Adigoo raacaya hab-raaca dhijitaalka ah, hubinayana in dukumentiyadaadu yihiin kuwo sax ah oo la notayeeyay, waxaad qayb ka noqon kartaa jiilka cusub ee aqoonyahannada ee wax ku soo baranaya mid ka mid ah deegaannada tacliinta ee ugu firfircoon caalamka.

Halkan kala soco wixii update ah, websiteka wasaarada waxbarashada China: http://en.moe.gov.cn/

Imtixaanaadka Luuqada Chinaha: https://www.chinesetest.cn/

Haddii aad rabto inaad wax ka ogaato scholarshipka iyo qeybihiisa Halkan ka akhriso: https://aqoonspace.com/waa-maxay-scholarships/

Write a comment