Waxbarashada online-ka caalamka maanta aan ku noolnahay, waxbarashadu kuma koobna oo kaliya in school la tago ama jaamacad aad u xarooto si aad wax u barato. Waxaad waxbaran kartaa adiga oo gurigaaga joogo qaab online ah.
Waxbarashada online-ka (E-learning) waxay dhalisay kacdoon aqooneed oo u oggolaanaya qof kasta oo haysta internet iyo qalab elektaroonig ah inuu aqoon ka helo jaamacadaha adduunka ugu sarreeya isagoo jooga gurigiisa.
Haddii aad tahay arday daneynayaa inuu xoojiyo luuqadaha, ama aad tahay qof raba inuu barto xirfado cusub sida barnaamijyada kombuyuutarka, ama xitaa qof raadinaya shahaadooyin heer caalami ah, waxbarashada online-ka waa furaha mustaqbalka.
Waxbarasha online-ka waxay meesha ka saartay caqabadihii dhanka masaafada iyo kharashka, iyadoo aqoontii oo dhan ay hadda ku jirto mobilekaaga ama computerkaaga.
Maqaalkan, waxaan ku sheegi doonnaa onlineka wax ma laga baran karaa? Qofka isaga wax ma is bari karaa?, Ma laga baran karaa aqoon dhab ah?, Sidee qofku isaga wax isu bari karaa?, Faa’iidooyinka Waxbarashada Online-ka, iyo Caqabadaha iyo Khasaaraha E-learning.
Waa Maxay Waxbarashada Online-ka ah?
Waxbarashada online-ka ah, oo sidoo kale loo yaqaanno E-learning, waa nidaam waxbarasho oo ku dhisan adeegsiga internet-ka iyo aaladaha tignoolajiyada sida kombuyuutarrada iyo taleefannada gacanta.
Halkii qofku uu jir ahaan u tegi lahaa fasal ama dugsi, wuxuu casharrada ka helaayaa website-yada caalamiga ah, isagoo ku baran kara meel kasta oo uu joogo iyo xilli kasta oo uu firaaqo yahay. Habkan waxbarasho waxa uu isugu jiraa casharro si toos ah loo baahiyo (Live Sessions) iyo kuwo horay loo duubay oo qofku uu daawan karo goorta uu rabo, waxaana looga golleeyahay in aqoonta laga dhigo mid fudud, jaban, oo qof kasta oo internet haysta uu heli karo.
Online-ka wax ma laga baran karaa? Qofka isaga wax ma is bari karaa?
Suaasha ah online wax ma laga baran karaa? Ama qofka isaga wax ma isbari karaa isagoo macalin hor fadhiisanin jawaabteedu waa Haa. Qofku isaga ayaa is bari kara aqoon kasta isagoo isticmaalaya internet-ka.
Habkan waxaa loo yaqaannaa “Self-Paced Learning” waana habka ugu casrisan ee maanta dadka adduunka ugu guulaha badan ay wax u bartaan.
Halkan waxaan kugu wadaagi doonaa sida uu qofku online-ka wax ugu baran karo:
Ma laga baran karaa aqoon dhab ah?
Haa, waa laga baran karaa aqoon dhab ah boqolkiiba boqol. Maanta internet-ka waxaa ku jira:
Casharradii Jaamacadaha: Jaamacado waaweyn sida MIT iyo Harvard waxaad casharradooda ka heli kartaa YouTube ama mareegaha sida edX.
Xirfado aad ku shaqeysan karto: Xirfadaha sida Coding-ka, Graphic Design-ka, Digital Marketing-ka iyo Video editing-ka waxaad ka heli kartaa online si free ah.
Sidee qofku isaga wax isu bari karaa?
Waxwalbo waad isbari kartaa adigoon macallin hor fadhiisanin, waxa kaliya ah ee aad u baahan tahay waa inaad qorsheysataa waqtigaaga iyo sida aad wax u baran lahayd.
Si aad online wax ugu baratid adiga oo aan macalin hor fadhiisanin raac qodobbadaan soosocda:
Go’aaminta Yoolka: Ha billaabin adigoon garanayn waxa aad rabto. Tusaale: “Waxaan rabaa inaan barto luuqadda Ingiriisiga 3 bilood gudahood.”
Raadinta Ilaha saxda ah: Halkii aad meel walba ka eegi lahayd, dooro hal meel (Platform) oo nidaamsan sida Coursera ama taxane (Playlist) YouTube ah oo dhammaystiran.
Faa’iidooyinka Waxbarashada Online-ka
Waxbarashada online-ka waxay caalamka kusoo kordhisay isbeddel weyn oo u sahlaya qof kasta inuu aqoon helo, halkan waxaan kuugu sharixii doonaa faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee ay leedahay waxbarashada online ka:
Dabacsanaanta Waqtiga iyo Goobta: Waxaad wax baran kartaa xilli kasta oo kugu habboon iyo meel kasta oo aad adiga jeceshahay, qasab maaha inaad xaadirto class ama goobaha wax lagu barto, waxaad waxbaran kartaa adigoo gurigaaga joogo.
Kharash yari: Waxbarashada online-ka waxay meesha ka saareysaa kharashkaya gaadiidka, hoyga, iyo cuntada ee ku bixi lahaa haddii aad jaamacad u fadhiyi lahayd.
Aqal-helidda Jaamacado Caalami ah: Waxaad fursad u helaysaa inaad casharro ka qaadato jaamacadaha adduunka ugu caansan (sida Harvard ama MIT) adigoo jooga gurigaaga.
Dib-u-daawashada Casharrada: Haddii aadan fahmin qodob gaar ah, waxaad awoodaa inaad video-ga dib u soo celiso dhowr jeer ilaa aad ka xaqiijinayso fahamkaaga.
Xirfadaha Tignoolajiyada: Waxbarashada online-ka waxay si dadban kuu baraysaa isticmaalka qalabka digital-ka ah, taas oo muhiim u ah suuqa shaqada ee maanta.
Caqabadaha iyo Khasaaraha Waxbarashada Online-ka
Inkasta oo ay fursado iyo faaiidooyin badan leedahay, haddana waxbarashada online-ka waxay leedahay caqabado dhowr ah oo u baahan in la maareyo:
Baahida Edbin-nafeed (Self-Discipline): Maadaama uusan jirin macallin ku hor taagan ama qof kugu dhiirigelinayaa inad dadaasho, qofka waxaa ku dhici kara caajis ama inuu dib u dhigo casharrada haddii uusan lahayn go’aan adag.
Dhibaatada Internetka iyo Korontada: Meelaha qaar waxaa jiro caqabado dhanka internetka iyo korontada, taas oo carqaladayn karta waxbarashada qofka.
Xiriirka Dadka oo Yaraada: Waxaa ka maqan jawigii dhiirigelinta lahaa ee dhexmari jiray ardayda iyo macallimiinta (Face-to-face interaction), taas oo mararka qaar keenta dareen go’doon ah.
Daalka Indhaha iyo Jirka: In waqti dheer la hor fariisto computer-ka waxay keeni kartaa daal indhaha ah iyo xanuunka dhabarka haddii uu qofka haysanin meel ku haboon.
Tayada Shahaadooyinka: Qaar ka mid ah shahaadooyinka online-ka ah lagama aqoonsana meelaha qaar, markaa waa in qofku hubiyo goobta uu wax ka baranayo.
Conclusion
Internet-ku maanta wuxuu dimuqraadiyeeyay aqoonta, isagoo u oggolaaday qof kasta oo leh go’aan iyo samir inuu barto xirfad kasta, laga bilaabo luuqadaha ilaa tignoolajiyada adag, isagoo aan u baahnayn inuu u socdaalo jaamacado fog-fog.
Guusha laga gaaro waxbarashada online-ka waxay gabi ahaanba ku xiran tahay edbin-nafeedka (Self-discipline) ardayga, maadaama uu jirin macallin kugu qasbaya inaad casharrada raacato, taas oo ka dhigaysa maareynta waqtiga furaha koowaad ee guusha.
Ardayga Soomaaliyeed ee maanta jooga gurigiisa wuxuu heli karaa isla tayada waxbarasho ee ardayda joogta waddamada horumaray, waana fursad dahabi ah oo haddii si dhab ah looga faa’iideysto horseedi karta isbeddel weyn oo dhanka nolosha iyo mustaqbalka dalka ah.
Adigu ma isku dayday inaad wax ka barato online-ka? Maxay ahayd caqabaddii kuugu weynayd ee aad la kulantay? Nagula wadaag khibraddaada qaybta faallooyinka ee hoose.”
Sidoo kale, ka akhriso halkan: https://aqoonspace.com/maareynta-waqtiga/
