Secret Sidee Loo Bartaa Luuqada English-ka 2026 Qaab Easy ah?

Sidee loo bartaa luuqada English-ka

Sidee loo bartaa luuqada English-ka Dunida maantu aynu ku noolnahaya luuqada englisha waa luuqada 1aad ee lagu wada xiriiro, dalal badan oo kamid ah dalalka hormaray sida, United states, Uk, iyo Canada ayay u tahay luuqadooda 1aad ee rasmiga ah. Qofkii bartaa luuqada englishka wuxuu si fudud ula xiriiri karaa dad badan oo kasoo jeeda dunina dacaladeeda.


Sidoo kale hadii aad barato luuqada Englishka waxay kuu fududeyneysaa inaad wax kabarato jaamaca aduunka ugu sareeyo sida Oxford iyo Harvard university. waxaa kale oo uu qofka ka faaiideysanayaa fursada scholarshipka caalamiga ah.
Shirkadaha waaweyn ee caalamiga ah sida Google iyo Microsoft waxay si rasmi ah isticmaalaan luuqada Englishka. Hadii aad daneyneyso inad Online-ka kashaqeysato sida freelance, blogging, Digital marketing iyo kuwale ee lamidka ah ama aad rabto inaad online-ka wax ka barato, waxaa qasab ah inaad barato luuqada Englishka.


Luuqada enlishka barashadeeda waxay kuu fududeyneysaa waxbarasho, shaqo, ganacsi, iyo xiriirka caalamiga ah. Qof kasta oo doonayo inuu noolashiisa hormar ka gaaro waxaa laga maarmaan ah inuu barto luuqada Enlishka.

Muhiimada ay Leedahay Luuqada English-ka

Sidee loo bartaa luuqada english-ka inta aan is weydiinin ka hor waxaa muhiim ah inaan ogaano marka hore Muhiimada ay leedahay luuqada englishka iyo fursadaha uu helayo qofka barta luuqada English-ka.


Hadii aan eegno dhanka waxbarashada, Jaamacadaha dunida ugu saameynta badan waxay wax ku dhigaan luuqada Englishka, waxbarashada dugsare ilaa heer jaamacadeed waxaa lagu bartaa luuqada Englishka, researchreda caalamiga ah ee la soosaaro waxay ku qoran yihiin luuqada Enlish, Technologiyada casriga ah wadamada hogaaminaya luuqadooda rasmiga ah waa luuqada Englishka. qofka si uu ugu faaiideysto aqoonta maanta taalla dunida ee ku qoran English-ka, waxaa wanaagsan inuu ka fikiro sidee loo bartaa luuqada English-ka.

Sidoo kale shirkadaha waaweyn waxay doorbidaan oo ay shaqaaleysiyaan qofka ku hadla luuqada englishka. Haddii aad u safarto wadan kale, xataa wadankaas aad u safartay haddii uusan ahayn wadan looga hadlo luuqada Englishka (sida Shiinaha ama Turkiga), waxaa aad ku wada xiriireysan dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha waa luuqada Englishka. English-ku waa luuqada aad kula xiriiri karto dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha kale. Luuqada enlishka waxay kaa caawinaysaa inaad yeelato saaxiibo cusub waxaa kale oo ay kaa caawineysaa inaad fahanto dhaqamo badan oo kala duwan. Aqoonta dunida taalla boqolkiiba 70 iyo kabadan waxay ku qoran tahay luuqada Englishka-ka, waxaan kula wadaagi dooonaa sidee loo bartaa luuqada English-ka, tallaabooyinka lagaa doonayo si aad u barato iyo ilaha ama meelaha aad ka baran karto.

Sidee Loo Bartaa Luuqada English-ka

Nidaamka Caalamiga ah ee CEFR

Sidee loo bartaa luuqada English-ka adigoo raacaya nidaamkan
Nidaamkaan caalamiga ah wuxuu ka kooban yahay 6 heer oo kala duwan; A1, A2, B1 B2, C1, C2. Lixdaan Qeybood waxaa liisu raaciya seddax-seddax. A1 A2 B1 sedaxdaan qeyb ee ugu horeysa waa English foundation, waa qeybta aasaasiga ah ee level1,2,3. B2 C1 C2 Seddaxdaan dambana waxaa loo isticmaali karaa baahiyaha gaarka ah sida; caafimaadka, waxbarashada iwm.

Lixdaan qeybood waxyaabaha ardayga laga doonayo waxaa weeye afarta xirfadood ee aasaasiga luuqad kasta, Reading, Writing, Listenin iyo Speaking. Mid walibana waa lagu qiimeynayaa ardayga waxaana loo baahan yahay heer waliba uu marayo inuu xooga saaro. Tusaale marka aad mareysid 4tan qeybood mid waliba waxaa lagaa doonayaa heer gaar ah inaad ka joogtid

Nidaamkaan caalamagi ah 5 qeybood oo kala duwan ama 5 dhinac ayaa laga fiirinayaa qofka hadba levelka uu joogo

Qeybta 1aad, qofka waxaa laga fiirinaayaa Scope, oo ah xadka erayada uu isticmaali karo, inta uu kala babadalan karo qeybaha muhiimka ah luuqada.

2. Correction, waxaa la fiirinaaya naxwaha ilaa intee ayuu qofkani khalad sameynayaa ilaa intee buu wax saxayaa, ilaa intee buu wax fahmayaa.

3. Fleunce, waa heerka fasaaxada ee qofka uu gaarsiisan yahay xaga luuqada tusaale istaagiisa meelaha uu ku istaagaya oo kale, jumladaha sida uu isugu xiri karo iyo dhinacyada kale ee lamidka ah.

4. Interaction, qofkani ma yahay qof dadka la fal gali karo, ama hadii wax la weydiiyo sifican ma ugu jawaabi karaa isagoo la jaanqaadaya qofka wax weydiinaya ama isaga naftiisa ma la imaan karaa suaalo oo ma ka qeyb qaadan karaa wada sheekeysiga.

5. Coherence, hadalka qofka ma yahay hadal isku xiran isagoo isticmaalaya erayada gudubka la yirahdo sida and, then iwm.

Heer walba oo heerarkaan kamid ah waa inuu qofka isweydiiyaa erayada aan baranayo maxay yihiin, tirada saacadaha liiga baahan yahay maxay yihiin, tusaale, A1 oo ah qeybta bilowga ah waxyaabaha lagaa doonaya waxaa kamid ah 700 eray inaad taqaanid adigoo galinaya 100 saacadood oo waxbarasha ah. 100 saacadood waa in lagula joogo oo lagu controlaya waa inuu macalinn kula jooga ama class haa noqoto ama online haa ahaatee.


A2 1500 eray inaad taqaanid adigoo galinaaya 180 ilaa 200 oo saacadood
B2 intermediate 2500 saacada 350 ilaa 400
B2 uperintermediate 4k oo eray 500 ila 600 oo saacadood
C1 advaced ah 8k oo eray 700 ilaa 800 oo saacadood
C2 proffitional 15k oo eray 1200k oo saacadood

Jadwalka Sidee loo bartaa luuqada English-ka

jadwaalkaan waxaan ugu hadli doonaa sidee loo bartaa luuqada english-ka adigoo raacaya jadwal maalinle ah.

Monday;- (Reading day) waxaad akhrineysaa buugaagta ku qoran luuqada Englishka, waxaa fiicaan ugu yaraan maalinkii inaad akhriso 5 ilaa 7 page inta aad kala qabsaneyso. Waxaa kale oo aad akhrineysaa website yada caalamaiga ah ee English-ka ku qoran sida, bbcnews.com, Voa iyo kuwa lamidka ah. Maalinkii waxaa kugu filan 1 saac ama 40 daqiiqo.

waxaad akhrin doontaa news-ga, sheekooyinga, articlada iyo wararka lasoo daabaco kadib erayada kugu cusub ayaad qoraneysaa kadib search ayaad ku sameyneysaa siaad micnahooda u ogaato.

Tuesday:- (Writting day) waa inaad qortaa wixii aad horay usoo akhrisay, akhrisku waa muhiim waa inaad akhrisaa sheekooyinka iyo wararka lagu soo daabaco nternetka.

Wenesday:- (Listening day) maalinta arbacada ah waa malalinta dhageysiga, waxaad dhageysaneysaa Youtube podcast, youtube videos, news, iyo wareeysiyada adigoo saaranaya subtitles si aad u qorato new word.

Thrusday:- (Speaking day) maalinkii waa inaad ku hadashaa English-ka, adiga naftaada ku practice gareey, asxaaptaada aad isku classka tihiin kula hadal isku day maalinkii ugu yaraan 1 saac inaad ku hadasho.

Friday:- ( Vocabulary day) waa inaad barata ugu yaraan 20 ilaa 25 eray kadib eray kastana waa inaad ka sameysaa jumlad ama sentence.

Gabagabadii, sidee loo bartaa luuqada English-ka barashada luuqaddaEnglish-ka ma aha wax lagu dhameyn karo 3 bil ama 6 bilood sida dadka qaar aay sheegaaan, balse waa safar dheer oo u baahan samir, joogteyn iyo kalsooni. Si aad u gaarto heerkii aad hiigsanaysay, waa inaad ku dhiirataa ku hadalka luuqadda adiga oo aan ka baqayn khaladaadka, waayo khalkhal kasta oo kugu dhaca waa cashar cusub oo aad baranayso.

Xusuusnow, furaha guusha waa in luuqaddu ay qayb ka noqoto noloshaada maalin laha ah ee aysan ku koobnaan saacadaha casharka oo kaliya.

Meelaha aad ka baran karto.

USA Learns

Sesama AI

Halkaan ka akhriso xirfadaha loogu baahi badan yahay suuqa digitalka mid kamid ah: https://aqoonspace.com/secret-sidee-loo-noqdaa-freelancer-guuleysta-2026/

Write a comment