Qaaradda Afrika waxay sanadihii ugu dambeeyay horumar aad u ballaaran ku samaysay dhanka waxbarashada jaamacadaha iyo cilmi-baarista caalamiga ah. Inkastoo tartan adag uu ka jiro fagaarayaasha waxbarashada adduunka, haddana jaamacado dhowr ah oo ku yaalla Afrika ayaa safka hore kaga jira tayada waxbarashada, saamaynta cilmi-baarista, iyo soo saarista aqoonyahanno xal u heli kara caqabadaha horyaala qaaradda iyo caalamka kaleba. maqaalkaan waxaan doonayaa inaan kugula wadaago top 10 Africa universities ee lasoosaaray 2026.
Sida ay muujinaysa qiimeynta caalamiga ah ee Times Higher Education (THE) iyo QS World University Rankings ee sanadkan 2026, jaamacadaha Koonfur Afrika iyo Masar ayaa weli hoggaaminaya liiska ugu sarreeya.
Jaamacadda Cape Town (UCT) ayaa markale loo aqoonsaday jaamacadda koowaad ee Afrika, iyadoo kaalmo muhiim ah ka gashay qiimeynta caalamiga ah ee dunida.
Maxaa lagu saleeyaa qiimeynta jaamacadahan inay top 10ka kamid noqdaan?
Marka la qiimeynayo jaamacad waxaa jira dhowr arimood oo ay tahay in mudnaanta lasiiyo si jaamacada loo qiimeeyo, arimahaasi kuwa ugu caansan waxaa kamid ah:
Tirada iyo tayada cilmi-baarista: In jaamacadu soo saarto xog iyo aqoon cusub.
Tayada waxdhigista: Heerka aqooneed ee ay gaarsiisan yihiin macallimiinta jaamacada wax ka dhigta iyo qalabka casriga ah ee waxbarasho ee ay jaamacada heli karto.
Saamaynta Caalamiga ah: Xiriirka jaamacadu kala dhexeeyo dunida inteeda kale iyo tirada ardayda ajnabiga ah ee ka yimid wadamo kale.
Shaqaalaysiinta: In ardayda ka qalin-jabisa jaamacada ay helaan shaqooyin tayo sare leh marka ay dhameyaaan jaamacada.
List of top 10 universities in africa 2026
1. University of Cape Town (UCT) – Koonfur Afrika
2. University of the Witwatersrand – Koonfur Afrika
3. Stellenbosch University – Koonfur Afrika
4. University of Johannesburg – Koonfur Afrika
5. Cairo University – Masar
6. University of Pretoria – Koonfur Afrika
7. American University in Cairo (AUC) – Masar
8. University of KwaZulu-Natal – Koonfur Afrika
9. Ain Shams University – Masar
10. Alexandria University – Masar
Maxay Koonfur Afrika u Hoggaaminaysaa top 10-ka Africa universities
Sida ku cad listiga top 10 Africa universities ee lasoo saaray 2026 waxaay cadeyneysaa 6 kamid ah 10kaas jaamacadood inay ku yaallan south Africa. Waxaa lagama maarmaan ah inaan ogaano waxa ka dhigay jaamacada south Africa kuwa ugu tayada fiican Africa caalamka kalena kaga jiraa kaalmo fiican.
Dhowr arrimood oo muhiim ah ayaa ka dhigay Koonfur Afrika inay “Boqor” u noqoto tacliinta sare ee qaaradda kuwa ugu caansana waa kuwan soosocda:
1. Maalgashiga Cilmi-baarista (Research Funding)
Wadanka South Afrika wuxuu leeyahay hay’ad magaceeda la yirahado National Research Foundation (NRF). Hay’addani waxay jaamacadaha siisaa lacago badan oo loogu talagalay in lagu sameeyo research.
Xogta ay soosaareen ururka National Research Foundation ayaa waxay muujinaysa in miisaaniyadda cilmi-baarista aykordhiyey 15% sanadkii u dambeeyey.
Sanadkan 2026, jaamacadaha South Africa waxay soo saareen cilmi-baarisyadii ugu badnaa ee laga xigto (Citations) caalamka, gaar ahaan dhinaca caafimaadka iyo tamarta la cusboonaysiiyo.
2. Xiriirka Caalamiga ah (Global Partnership
Jaamacadaha sida UCT iyo Stellenbosch waxay xiriir toos ah la leeyihiin jaamacadaha ugu saameeynta badan adduunka (sida Oxford iyo Harvard). Tani waxay jaamacadahan u sahlaysaa:
In macalimiin caalami ah oo waxbarashada heer sare ka gaaray oo profesorra ah ay wax ka dhigaan.
In ardaydu wax kabaraneyso ay helaan fursado ay ku galaan “Exchange Programs”.
3. Kaabayaasha Dhaqaale iyo Tiknoolajiyada
South Afrika waxay leedahay jaamacado loo diyaariyey “Warshadaynta Afraad” (4IR). Tusaale ahaan, University of Johannesburg (UJ) waxay ku caan baxday isticmaalka sirdoonka macmalka ah (AI) iyo robotics-ka, taas oo soo jiidatay indhaha caalamka sanadkan 2026.
4. Sumcadda loo-shaqeeyayaasha (Employer Reputation)
Shirkadaha waaweyn ee caalamiga ah ee ka howl gala Afrika (sida dhanka bangiyada, macdanta, iyo tech-ga) waxay doorbidaan qalin-jabiyayaasha jaamacadahan, sababtoo ah tababarka ay helaan ayaa ah mid la jaan-qaadaya suuqa shaqada ee casriga ah.
Inkasta oo dalal kale oo Afrika kamid ah sida Masar iyo Morocco ay ku soo biireen tartanka, wadanka South Afrika ayaa weli hogaanka u haya jaamacadaha top 10ka sare iyadoo ay ugu wacan tahay in lagu sameeyo maalgashi joogto ah oo lagu sameeynayo cilmi-baarista iyo aqoonsiga PhD-da ee macalimiinta (Staff with PhDs).

Waddamada ku soo Dhowaanaya
Inkasta oo South Afrika ay weli hayso hoggaanka inta badan liiska top 10 Africa universities, haddana xogta sanadka 2026 la soosaaray waxay inoo sheegeysaa isbeddel weyn. Dhowr wadan ayaa bilaabay inay kusoo biiraan tartanka, iyagoo maalgashi aad u weyn ku sameeyey cilmiga sayniska iyo farsamada. Kuwani waa labada waddan ee ugu saameynta badan qaarada Africa xaga waxbarashada iyo jaamacadaha marka laga soo tago dalka South Africa:
1. Masar (Egypt): Xarunta Cusub ee Sayniska
Masar waxay sanadkan soo bandhigtay horumarkii ugu weynaa ee laga diwaangeliyo qaaradda Afrika. Sababta ugu weyn ee ka dambeysa in hormarkaan loo diwaan galiyo ayaa ah in dowladda Masar ay xoogga saartay jaamacadaha gaarka u ah STEM (Sayniska, Tiknoolajiyada, Injineernimada, iyo Xisabta).
Jaamacadda Kafrelsheikh: ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu horreeya adduunka dhanka cilmi-baarista bayoolajiga.
Iskaashiga Caalamiga ah: Masar waxay dhistay jaamacado xiriir la leh dalalka Japan iyo Jarmalka, taas oo kor u qaaddaysa tayada ardayda ka qalin-jabineysa
Sida laga soo xiganayo African Academy of Sciences, Masar waxay hadda soo saartaa tirada ugu badan ee cilmi-baarisyada sayniska ee waqooyiga qaaradda Africa.
2. Kenya: Hoggaanka Bariga Afrik
Kenya waxay aad ugu soo dhowaanaysaa liiska top10-ka sare ee Africa universities, iyadoo jaamacadaheedu ay yihiin xiligaan la jooga kuwa ugu tayada fiican Bariga qaarada Africa iyo Bartamaha Afrikaba.
University of Nairobi: Waxay sanadkan kor u kacday dhanka sumcadda loo-shaqeeyayaasha, gaar ahaan mashaariicda laxiriira ganacsiga iyo tiknoolajiyada (FinTech).
Focus on Innovation: Jaamacadaha Kenya waxay xiriir dhow la leeyihiin “Silicon Savannah” (xarunta tech-ga ee Nairobi), taas oo ardayda u fududeyneysa inay helaan tababaro shaqo (internships) oo tayo sare leh inta ay wax baranayaan.
Maxay Waddamadani kaga duwan yihiin Koonfur Afrika?
Halka South Afrika ay ku xoog badan tahay taariikhda iyo hantida jaamacadaha faca weyn, Masar iyo Kenya waxay xoogga saaraan Casriyeynta (Modernization) iyo inay jaamacadaha ku xiraan baahida suuqa shaqada ee maanta. Tani waxay ka dhigan tahay in 5-ta sano ee soo socota, ay suurto gal tahay inaan aragno jaamacado ka jeeda Kenya ama Egypt oo kaalmaha hore kala wareego kuwa Cape Town iyo Johannesburg.
Gunaanad: Mustaqbalka iyo Isbeddelka waxbarashada Sare ee Afrika
Markaan si fiican u eegno xogta sanadka 2026 lasoo saaray, waxaa inoo caddaaneysa in tartanka loogu jiro in kor loo qaado tayada waxbarashada sare ee Afrika uu yahay mid aan hore loo arag. In kasta oo Koonfur Afrika ay weli sii haysato hoggaanka top 10 africa universities iyadoo ka faaiideysaneysa khibradeeda dheer iyo maalgashiga ballaaran ee cilmi-baarista, haddana ma ahan awood aan la loodin karin.
Soo bixitaanka “Xiddigaha Cusub” ee ka soo baxaya Masar iyo Kenya waxay calaamad u tahay in qaaradda Africa ay u guurayso dhanka tiknoolajiyada iyo hal-abuurka casriga ah (STEM).
Isbeddelkan wuxuu fursad weyn u yahay ardayda Afrikaanka ah, maadaama uu kordhinayo fursadaha waxbarasho ee heerka caalami ee gudaha qaaradda looga heli karo.
Ugu dambeyntii, haddii aad tahay arday raba inuu ku biiro mid ka mid ah jaamacadahan, xusuusnow in sumcadda jaamacadda ay muhiim tahay, balse ay ka muhiimsan tahay dedaalkaaga shakhsiga ah iyo sida aad uga faa’iidaysato ilaha aqooneed ee casriga ah.
Mustaqbalka Afrika wuxuu ku jiraa gacanta dhallinyarada ka qalin-jabineysa jaamacadahan tayada sare leh.
Tixraac Muhiim ah: Si aad u hesho xogta rasmiga ah ee sanadlaha ah, mar walba booqo mareegta Times Higher Education Africa si aad ula socoto isbeddellada ugu dambeeya.
waxaa jira maqaal aad u faahfaahsan oo ka hadlaya scholarships iyo qeybihiisa hadii aad xiiseyneyso halkan ka akhris. https://aqoonspace.com/waa-maxay-scholarships/
